Waxaan Jecleysaney Matan Media LLC registered in USA lehna Qof Soomaali ah in aan u soo bandhigno fursad maalgashi ah dhammaan walaalaha Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan Waddanka Gudihiisa ama dibaddiisa. Maalgashigaan oo noqon doonno mid dhammaan Soomaalida ay ka faa’iideysan doonnaan mustaqbalka hadduu Ilaahey yiraahdo.

Maal Gashigan wuxuu ka kooban yahay 2 Mashruuc oo kala ah: Fadlan Kala Dooro Mashruuca aad Rabtid ama Labadaba foomka hoose

  1. Suuq Online ah sida Amazon ama Ebay Oo shacabka Soomaalida ah oo dhan ay wax ku kala gataan shaqooyinkana isku weydiistaan iyo wax badan oo kale. Qiimeynta Koowaad waa $2 Milyan, Waxaan Iibineynaa 500 Saami ama sheer Kaliya

  2. Basaajo App: Adeegga Gaadiidka, Waa Sida Uber ka oo kale oo shacabka Soomaalida ah oo dhan ay isticmaali karaan kana kooban in qofku dalban karo: Gaari Yar, Gaari Weyn, Bajaaj, Mooto IWM online, Qiimeynta Koowaad waa $1 Milyan, Waxaan Iibineynaa 500 Saami ama sheer Kaliya

  3. Markii aan helno 500 qof oo maalgashiga diyaar u ah ama lacag u dhiganto $500.000 ayaan Mashruuca Billabeynaa Hadduu Ilaahey Raali Ka noqdo, Fadlan is Gaarsiiya.

Tusaale Xisaabeed (Ma aha Dammaanad)

Haddii shirkaddu mustaqbalka gaarto faa'iido dhan $1,000,000, isla markaana Golaha Agaasimayaashu go'aansado inay qaybiyaan qayb ka mid ah faa'iidada sida saami-qaybsiga (dividend), Maalgashatada waxay heli karaan lacag u dhiganto saamigooda oo ah sida hoos ku qoran, Lacagta la qaybinayo waxay ku xirnaan doontaa faa'iidada shirkadda, baahida dib-u-maalgelinta, iyo go'aanka Golaha Agaasimayaasha. Tusaalahan waxaa loo bixiyay oo keliya sharaxaad, mana aha ballanqaad ama dammaanad faa'iido. Insha Allaah

Sidaas awgeed ayaan u diyaariney foomkan in aan ku ogaano inta qof maalgashiga diyaar u ah mashruucyadan iyo mashruucee ayuu rabaa qofka inuu maal gashado.

Fadlan Buuxi Foomkaan Haddii aad daneyneysid in aad ka qeyb qaadato Mashruuca.

Hadafka “Yoolka” ama saadaasha shirkaddu waa in la gaaro faa'iido 2-3 sano gudahood, tani waxay ku xiran tahay fulinta iyo xaaladaha suuqa. Marxaladdan wax lacag ah lama ururinayo.

Qaab-dhismeedka Saamiyada Shirkadda

Si loo dhiso shirkad xooggan oo hufan, saamiyada shirkaddu waxay noqonayaan sidan:

  • Wadarta Saamiyada Shirkadda: 2,000 Saami

  • Aasaasayaasha Shirkadda: 1,500 Saami (75%)

  • Saamiyada loo furay Maalgashadayaasha Soomaaliyeed waa: 500 Saami (25%)

Qiimaha Saamiga

  • Qiimaha Hal Saami: $1,000 (Kun Doollar)

  • Wadarta Lacagta La Doonayo In La Maalgashado waa: $500,000

Qiimaha Hal Saami

Maadaama shirkaddu leedahay 2,000 Saami, hal saami wuxuu u dhigmaa:

0.05% lahaanshaha shirkadda. 1 ÷ 2,000 = 0.05%

Tusaalooyin

  • 1 Saami = 0.05% lahaanshaha shirkadda

  • 10 Saami = 0.50% lahaanshaha shirkadda

  • 20 Saami = 1.00% lahaanshaha shirkadda

  • 50 Saami = 2.50% lahaanshaha shirkadda

  • 100 Saami = 5.00% lahaanshaha shirkadda

  • 250 Saami = 12.50% lahaanshaha shirkadda

  • 500 Saami = 25.00% lahaanshaha shirkadda (Dhammaan saamiyada loo qoondeeyay maalgashadayaasha)

Saamiga uu qofku yeesho wuxuu go'aaminayaa boqolkiisa lahaanshaha shirkadda iyo xuquuqdiisa sida lagu qeexi doono Heshiiska Saamileyda (Shareholders' Agreement). Fadlan Buuxi Foomka Hoos ku qoran Haddii aad Dooneyso In Aad Ka qeybqaadato Mashruucyadan labada ah. Wixii Faah faahin oo ku saabsan Mashruucan waan kula soo socodsii doonnaa, Ogoow Mudane Iyo Marwooyin Foomkaan waa isdiiwangelin Kaliya si aan u ogaanno inta qof oo daneyneyso. Riix Masawirka Hoose si aad Foomka U buuxiso, Mahadsanid, Matan Media LLC Based IN Virginia USA

www.matanmediallc.com https://matanmediallc.com/suuqa https://matanmediallc.com/basaajo-rideshare


بسم الله، والحمد لله، والصلاة والسلام على رسول الله

Bismillaah Wal Xamdulillaah Wasalaatu Wasalaamu Calaa Rassuulilaah

Ku soo dhowow Xarunta Diiwaangelinta Maalgashadayaasha Aasaasiga ah ee labada mashruuc oo kala " Suuq iyo Basaajo. Suuq waa Amazon ama Ebay o kale, Basaajo adeegga Gaadiidka dalka oo dhan waana sida Uber ka oo kale oo dhawaan Soomaaliya laga billaabi doonno hadduu Eebbe Yiraahdo lana helo Maalgashato u diyaar ah in ay koow ka noqdaan Mashruucyadaan, Halkan hoose waad iska diiwaangelin kartaa si aad u muujiso rabitaankaaga maalgashi oo annagana aan ugaanno inta qof ee xiiseyneyso Mashruucyadaan, Formkan xagga hoose waxaad ku arki doontaa si aad u xisaabin karto tirada saamiyada aad doonayso, u arki karto boqolleyda lahaanshaha shirkadda, isla markaana aad u eegto tusaalooyin qiyaaseed oo ku saabsan faa'iidada saamiyada mustaqbalka. Dhammaan xisaabaadka faa'iidada waxaa loogu talagalay tusaale iyo sharaxaad oo keliya, mana aha dammaanad ama ballanqaad faa'iido. Wa Billahi Towfiiq.

Xarunta Diiwaangelinta Maalgashadayaasha Soomaaliyeed